Su’aalaha
Marwalba
Lisweydiiyo
Su’aalaha Marwalba Lisweydiiyo
Su’aalaha Badan La is weydiiyo) ee Ku saabsan Ololaha Equity Starts Early
Equity Starts Early waa dadaal keenayo wacyigelinta dadweynaha oo wanaagsan oo agagaarka baahida nidaam waxbarasho hore iyo daryeelka carruurta dhameystiran ee Gobolka Washington, mid la gali karo oo ay goyn karaan dhammaan qoysaska iyada oo aan laga eegin jinsiga, daqliga ama juquraafiga. Waxaan dhiseynaa bees balaaran oo dadweynaha iyo taageerada gunta hoose si loo hubiyo in ilmaha iyo carruurta oo jinsiyada oo dhan iyo qowmiyadaha Gobolka Washington oo dhan ay heli karaan barnaamijyada waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta oo tayo sareeyo.
Hadeer la joogo, daryeelka carruurta iyo nidaamka waxbarashada hore ee Gobolka Washington waa yaryahay oo si ku fillan looma raadin inay daboosho dalabka bulshooyinkeena. Tani waxay aheyd run cudurka safmarka ka hor oo xittaa waa ka sii daray hadeer. Qoysas aad u badan oo gobolkeena oo dhan ayaa la’ helitaanka ama aanan awoodin waxbarashada hore ama daryeelka carruurta tayo sareeyo. Kumanaan carruur ayaa luminayo fursad aad muhiim u ah oo lagu helayo taageerada ay ugu baahanyihiin si markaas ay ugu suurtogasho gelitaanka dugsiga barbaarinta oo diyaar u ah inay bartaan oo ku guuleystaan. Tani si gaar ah ayay run ugu tahay qoysaska daqliga hooseeyo iyo qoysaska midibka. Helitaan la’aantaan ee daryeelka carruurta iyo waxbarashada hore ee la goyn karo waxay gelisaa murugooyin weyn waalidiinta iyo qoysaska, iyo si weyn u kordhisaa sinnaan la’aanta bulshadeena. Sinnaanta dhabtii waxay bilaabataa xili hore.
Hoos u dhaca jiritaanka muhiimka ah ee nidaamkeena waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta waxaa si weyn sare ugu kiciyay cudurka safmarka COVID-19. Sida waafaqsan Guddi Howleedka Wadashaqeynta Daryeelka Carruurta Gobolka Washington, xittaa cudurka safmarka ka hor, in ka badan nus milyan carruur ah maysan haysan helitaanka daryeelka carruurta shatiyeysan iyo 67% oo Shaqaalaha Washington waxay soo sheegeen maqnaansho sabab la xiriirto arimaha daryeelka carruurta. Tan iyo cudurka safmarka, bixiyayaal badan oo daryeelka carruurta ah ayaa wajahay halista inay xirmaan, iyaga oo uga tagayo kumanaan waalidka oo gobolka oo dhan ah iyaga oo la dhibaatoonayo inay daryeelaan carruurtooda iyaga oo fullinayo masuuliyadaha shaqada. Xaaladaan ma waxyeesho kaliya kumanaan qoysaska shaqeeya ee gobolkeena, laakin waxay sidoo kale halis gelisaa inay wiiqdo ka soo kabsiga dhaqaalaheena ee waxyeelada cudurka safmarka.
Iyo kumanaan qoysaska shaqeynayo ayaa la dhibaatoonayo inay helaan barnaamijyada waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta oo ay awoodi karaan, iyo waalidiin badan oo shaqeynayo waxay hadeer ku qasbanyihiin inay kala doortaan shaqada iyo daryeelida carruurtooda yaryar, tallaabada degdega ah ee gobolka ayaa loo baahanyahay si lagu sheego meelaha banaan ee balaaranaya ee nidaamka. Kaliya 1.1% oo miisaaniyada gobolka Washington ayaa loo qoondeeyay waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta. Heerkaan maalgelinta si hoogan ayuusan ugu filneyn inuu daboolo baahida, kaas oo kaliya usii koray si weyn tan iyo cudurka safmarka. Waxaan kula doodeynaa hogaamada sharci dajinta inay mudnaanta siiyaan maalgelinta waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta iyada oo la tixgelinayo inay tahay adeeg muhiim ah oo ah in loo helo shaqaalaha muhiimka ah inta lagu jiro cudurka safmarka, iyo iyada oo la tixgelinayo muhiimadeeda dhexe ee soo kabsiga dhaqaalaha gobolka.
Haa, dhawaan codbixin ayaa muujisay in caqabada dheelitirka daryeelka carruurta iyo shaqada inta lagu jiro cudurka safmarka waxay ka mid tahay walaacyada ugu sareeyay ee codeeyayaasha (boqolkiiba 71 waxay dhaheen waa dhibaato aad iyo aad u daran), iyo wax ka badan bar ka mid ah waalidiinta oo dhahayo in xaaladooda hadeer ee daryeel lagu siinayo carruurtooda aysan waarid aheyn. Wax ka badan sadex shantii codeeyayaal waxay tixgeliyeen inay muhiim tahay in carruurta yaryar oo qowmiyad walba ay helaan fursadaha waxbarashada hore, ku dhawaad sadex ka meel labo ayaa isku raacay in daryeelka ka yar carruurta da’da dugsiga barbaarinta ay tahay in si bulsho ahaan loo maalgeliyo, iyo wax ka badan sadex shantiiba waxay u arkeen midkood baahida maalgelin dheeraad ah oo waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta.
Codkaaga iyo taageeradaada waxay sameyn kartaa kala duwanaan dhab ah. Fadlan iska diiwaangeli halkaan si aad ugu soo biirtid dadaalkeena gunta hoose oo ku dar magacaaga codsigeena ee xubnaha sharci dajinta Gobolka Washington oo aan kula doodeyno inay ku sameeyaan maalgelin muhiim ah waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta si loogu taageero carruurta Washington iyo qoysaska shaqeynayo dhinaca ka soo kabsiga dhaqaalaha aad u simman.
Saxiix Codsiga
Ku socoto: Xubnaha Sharci dajinta Gobolka Washington
Ma awoodi karno inaan gadaal uga tagno qoysaska shaqeynayo. Fadlan taageer maalgashiyada muhiimka ah ee adeegyada waxbarashada hore iyo daryeelka carruurta muhiimka ah.